Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Shir looga hadlayay gubista dugsiyada Kenya

Maanta waxaa Nairobi ku shiray saraakiisha wasaaradda waxbarashada iyo maamulayaasha dugsiyada sare oo looga hadlay sidii xal loogu heli lahaa dugsiyo sare oo lagu gubay oo ay u dambeeyeen lix school oo xalay dab la qabadsiiyey.

ilaa hadda in ka badan 100 dugsi oo sare ayaa la gubay, waxaana loo xiray 150 arday oo maxkamad la hor geeyey.

Haddaba shirkii maanta dawladda iyo maamulayaasha iyo saraakiisha waxbarashada dhexmaray waxaa ka qayb galay Abdi Mowliid Abdi, oo ah maamulaga Dugsiga sare ee Garissa oo u waramay wariyaha laanta af swahiliga ee BBC Abdinoor Adan.