'Xildhibaan hore ayaa ka danbeeyay weerarka Muqdisho'

Lahaanshaha sawirka
Image caption Weerarka ayaa lala beegsday meel aad loo ilaaliyo oo u dhow garoonka

Nin xildhibaan ahaan jiray ayaa ka mid ahaa labadii qof ee isku qarxiyay Talaadadii magaalada Muqdisho sida ay sheegeen Alshabaab.

Saalax Nuux Ismacil, oo jira 57, ayaa ka mid ahaa 13 qof oo ku dhimatay weerar is qarxin ee ka dhacay meel u dhow garoonka diyaaradaha, sida ay sheegtay Alshabaab.

Ninka oo loo yaqaano Salax Badbaado, wuxuu ka baxay barlamaanka Soomaaliya 2010-kii, ka dib markii uu ku sheegay xildhibaalada "Gaalo."

Meesha u dhow garoonka ayaa aad loo ilaaliyaa, iyadoo ay xarun u tahay xarunta Qaramada Midoobay, saldhiga AMISOM iyo safaarado.

Masuuliyiinta Soomaaliya ayaan wali xaqiijin aqoonsiga ninka is qarxiyay.

Mowduucyada la xiriira