Faransiiska oo aqoonsaday ninkii labaad ee dilay baadariga

Lahaanshaha sawirka
Image caption Baasaboorka Abdelmalik Petitjean

Faransiiska ayaa si rasmi ah u loo aqoonsaday ninkii labaad ee labadii nin ee ku dilay baadariga Kaniisada dhexdeeda Talaadadii, inuu yahay Cabdil Malik Petitjean, oo sagaal iyo toban jir ah oo ka yimid bariga Faransiiska.

Warqada aqoonsiga ee uu leeyahay Cabdilmalik Petitjeon ayaa laga helay guriga ninka kale ee weerarka qaaday, ee Adel Kermiche, laakiin maydkiisa ayaa la aqoonsan waayay sababtoo ah boliiska ayaa xabadeeeyay.

Hadda baaritaan DNA-da ayaa lagu xaqiijiyay.

Sidoo kale, waxaa lagu soo waramayaa in masuuliyiinta Faransiiska ay ka heleen xog sirdoon ajnabi ah, xogtaas oo ku saabsanayd Cabdi malik Petitjean ayaa ahayd sawirkiisa, laakiin ma aysan ogayn qof uu yahay waxayna sheegeen inuu diyaarinayo weerar maalmaha soo socda.

Mowduucyada la xiriira