Turkiga oo xiraya in ka badan 130 hayado warfaafin

Lahaanshaha sawirka
Image caption Xiritaanka warfaafinta ayaa la amray waqti yar ka dib markii uu dhacay inqilaabka 15-kii July

Masuuliytiinta Turkiga ayaa ku dhawaaqay inay xireen 131 hayado warfaafin, iyadoo uu sii socdo baaritaano ka dib inqilaabkii la isku dayay 15-kii July.

Saddex wakaalado warar, 16 kanaalo TV, 23 raadiyo, 45 wargays, 15 joornaalo iyo 29 madbacyo wax daabaca ayaa la xirayaa.

Mid ka mid ah, Zaman, oo ahaan jiray waragysyada ugu wayn Turkiga mar, ayaa waxaa la wareegay maamulka dowladda bishii Maarso.

Image caption Kumanaan ciidan oo ka qayb qaatay inqilaabka ayaa isku dhiibay buundada Bosphorus ee Istanbul

Amar lagu soo xirayo 47 shaqaalaha wargayska ayaa la dhiibay. Dowladda ayaa sidoo kale amartay todobaadkan horaantiisa in la soo xiro 42 suxufiyayaal.

Warfaafinta badankood ayaa lagu xiriirinayaa Fetullah Gulen oo saldhigiisu yahay Maraykanka.

Dowladda ayaa sheegtay in Mr Gulen uu ka danbeeyay inqilaabkii ay ciidanka isku dayeen, laakiin wuu beeniyay.

Dowladda ayaa si gooni ah ugu dhawaaqday shalay in ku dhawaad 1700 oo ciidan, oo ay ku jiraan 149 jeneraalo iyo admiraalo in shaqada laga joojiyay.

Mowduucyada la xiriira