Hillary Clinton "wakhtigii qiimaynta" ayaan ku jirnaa

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Clinton waxay si wayn isu hayaan Trump

Hillary Clinton ayaa cod bixiyeyaasha u sheegtay in wakhtiga doorashadu ay tahay “wakhtiga qiimaynta” iyada oo taariikh xariiqday markii ay aqbashay in ay noqoto magacaabidda xisbiga dimuqraadiyadda.

Hadalkaasi waxay ka sheegtay Philadelphia, iyada oo noqotay murashaxaddii u horaysay ee dimur ah ee uu soo magacaabo xisbi wayn oo dalkaasi ka tirsan.

Ayada oo ku baaqeysa in la midoobo, waxa ay hadal ku durtay ninka ay is hayaan ee musharaxa Jamhuuriga, Donald Trump.

Waxay ku tilmaamtay in uu u maleeyo in dhibaatada dalka oo dhan keligii xallin karo.

Waxa ay tilmaamtay in dadka Mareykanka oo sida wada jir ah u shaqeeya ay mustaqbal wanaagsan u noqon karaa qofkastaa.

Mrs Clinton waxa ay sidoo kale u mahadcelisay taageerayaasheeda in musharrixii ay ku tartameen doorashada hoose ee Dimuquraadiga, Bernie Sanders.

Mowduucyada la xiriira