UNICEF oo hakisay hawlihii waqooyiga Nigeria

Image caption UNICEF ayaa ka walaacsan xaaladda ammaanka ee shaqaalaheeda.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ay hakisay howlgalka bani'aadanimo ee ay ka waday Waqooyiga dalka Nigeria, oo ay dhibaata ka taagan tahay.

Labo ka mid ah shaqaalaha hay'adaha gargaarka ee hoos taga Qaramada Midoobay ayaa la dhaawacay, markii ay soo weerareen dad looga shakisanyahay in ay ka tirsan yihiin dagaalyahanada Boko Haram.

Kolonyada oo ay saarnaayeen shaqaalaha Qaramada Midoobay iyo hay’addaha kale ee gargaarka ee caalamiga ah iyo millatarigii ilaalinayay ayaa si gaadmo ah weerar loogu gaystay inta u raxaysa Bama iyo Maiduguri.

Waxay ka soo laabanyeen goobaha ay Bookoo Xaraam ka dagaalamaan oo ay gaarsiiyeen gargaar ay aad ugu baahnaayeen dadka ay ku habsdeen nafaqo daridda iyo xanuunada

Labo ka mid ah askarta iyo dad kale oo shacab ah ayaa sidoo kale ku dhaawacmay weerarkaasi.

Millatariga Nigeriyana wuxuu sheegay in ay dib isaga caabiyeen weerarka kuwa ka dhaawacmayna Isbitaal loola cararay oo ay xaaladdoodu dagan tahay.

Kolonyada Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha caruurta ee UNICET wuxuu marayay dhulka fog ee Waqooyi Galbeed, halkaas oo dagaalku uu u horseeday dhibaato baaxadleh.

Waxaa jirta cabsi laga qabo in ay xaaladda nafaqo daridda ee deegaanadaasi ay ka sii dari doonto haddii la joojiyo hawlahha gargaarka

Mowduucyada la xiriira