Booliiska Armenia iyo dibad baxayaal isku dhacay

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Mudaaharaadka Armenia

Waxaa isku dhacay booliiska mudaaharaadyada iyo dad taageersan rag hubaysan oo afduub dad ugu haysta saldhig booliis oo ku yaala magaalada Yerevan ee caasimadda dalka Armenia.

Tiro badan oo dadkii mudaaharadayay ah ayay waxyeello soo gaartay, saddexka mid ah dadkii hubaysnaa ayaana ku dhaawacmay isku dhacyo mar hore dhacay.

Kooxdaas hubaysan ayaa dhismaha la wareegtay labo todobaad ka hor iyaga oo raba in la sii daayo dad u xirxiran siyaasad oo uu ka mid yahay Jirair Sefilian oo ah hogaamiyaha mucaaradka.

Sefilian ayaa madaxwayne Serge Sarkisian aad ugu dhaliilay sidii uu u maareeyay dagaalkii Nagorno-Karabakh.

Wakaaladda wararka ee Sputnik Armenia news agency ayaa sheegtay in dad gaaraya lixdan ruux ay ku dhaawacmeen afartan ka mid ahna lagu dabiibayo isbitaal.

Idaacadda Liberty ayaa sheegtay in saddexka mid ah saxafiyiintooda la dhaawacay lana burburiyay kaameeradoodii.

Waxaa lagu soo waramayaa in booliisku ay xireen in kabadan boqol ruux.

Mowduucyada la xiriira