Belgium oo xirtay walaalo weerar qorshaynayay

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Belgium ayaa ku jirta feejignaan sare

Labo walaalo ah oo looga shakiyay in ay qorshaynayeen weeraro ayaa lagu xiray dalka Belgium kaddib markii la fuliyay hawlgal argagixiso lagaga hortagayo, sida uu sheegay dacwad ooge.

Labada nin ayaa lagu kala sheegay Nourredine H, oo 33 jir ah, iyo walaalkii Hamza

Waxaa laga qabtay magaalada Liege ee gobolka Mons.

Wax hub ama waxyaabaha qarxa ah laguma helin baaritaanadii la sameeyay.

Dalka Belgium ayaa wali ku jira taxadar dheeri ah tan iyo markii 32 ruux lagu dilay garoonka diyaaradaha iyo xarunta basaska laga raaco bishii saddexaad ee sanadkan.

Dad kale oo badan ayaa ku dhaawacmay weerarkaas, kaas oo ay sheegteen kooxda isku magacawday Dawladda Islaamka.

Many more people were injured in the attacks, which were claimed by so-called Islamic State.

War ka soo baxay xafiiska dacwad oogaha faderaalka ayaa lagu sheegay in ay u muuqato in ay jiraan weeraro laga gaysan rabay Belgium.

Laakiin warkaas laguma sheegin in ay wax xiriir ah la leeyihiin bambooyinkii hore ee lagu bartilmaameed saday Brussels.

Garsoore ayaa go’aan ka gaari doona Sabtida bal in xabsiga lagu sii hayo labadan la tuhunsan yahay.

Mowduucyada la xiriira