UN: booliis ha la geeyo dalka Burundi

Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa fasaxay in ciiddammo boolis ah oo caalami ah la geeyo dalka Burundi si ay isugu dayaan in ay wax ka qabtaan cooladda iyo xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee dalkaasi ka jira.

Golaha ayaa aqbalay qaraar uu soo gudbiyay dalka faransiiska oo ku baaqay in ciidammo gaaraya ilaa labo boqol iyo labaatan iyo siddeed la geeyo Burundi ayna halkaas joogaan muddo hal sano ah.

Burundi ayaa markii hore sheegtay in aysan aqbali doonin wax ka badan 50 askari oo booliis ah.

In kabadan afar boqol oo ruux ayaa dhintay tan iyo markii uu bilawday qaskii ka dhashay markii uu madaxwayne Pierre Nkurunziza sheegay in uu u tartamayo mar saddexaad bishii afraad ee sanadkii hore.

In kabadan 200,000 oo ruux ayaa guryahooda isaga cararay.

Safiirka Faransiiska u fadhiya xarunta Qaramada Midoobay Francois Delattre ayaa sheegay in marka la fiiriyo sida uu u kordhay qalalaasaha iyo dareenka ka taagan Burundi in loo baahan yahay in dhagaha iyo indhaha Golaha Ammaanku ay joogaan gudaha Burundi si looga baaqsado in ay xaaladdu gaarto meeshii ugu xumayd.

Mowduucyada la xiriira