Weerar ka dhacay warshad Shidaal oo Ciraaq ku taalla

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka ayaa weeraro ka gaysata Ciraaq

Mintidiin hubeysay ayaa weerar ku qaaday warshad gaaska soo saarta oo ku taalla Waqooyiga Ciraaq, waxaana ay halkaasi ku dileen ugu yaraan 4 ka mid ah shaqaalaha warshadda.

Dableyda oo ku hubeysneyd bambooyin ayaa dhaawac culus gaarsiiyeen labo ka mid ah ilaaladda warshada, oo ku taalla meel u dhow magaalada Kirkuk.

Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in ciidanka dowladda ay markii dambe dib u qabsadeen warshada, isla markaana ay badbaadiyeen 15 qof oo shaqaalaha ka mid ahaa, kuwaas oo qol isku soo xiray.

Ma jirto cid sheegatay in ay weerarkaasi fulisay, balse ururka isku magacaabay dowladda Islaamiga, ayaa horay u bartilmaameedsaday warshado shidaalka lagu sifeeyo oo deegaankaasi ku yaalla.

Mowduucyada la xiriira