13 ku dhimatay weerar ka dhacay Muqdisho

Image caption Goobta uu ka dhacay qaraxu

Weerar ka dhacay magaalada Muqdisho ayay ku dhinteen ugu yaraan saddex iyo toban ruux oo shan ka mid ah ay shacab yihiin, sida uu BBC-da u xaqiijiyay wasiirka amniga gudaha ee Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamad.

Wasiirku wuxuu sheegay in ay dadka dhintay ku jiraan shan ruux oo shacab ah, ayna ku dhaawacmeen toban ruux oo kale oo shacab ah.

Todobo ruux oo ka mid ah kuwii weerarka soo qaaday iyo askari ka tirsan sirdooonka dawladda ayaa halkaas ku dhintay, shan askari ayaana ku dhaawacantay sida uu sheegay Cabdirisaaq.

Qarax wayn ayaa la maqlay uuro ayaana cirka isku shareertay, wax yar kaddibna rasaas ayaa la maqlay.

Masuuliyadda weerarkaas waxaa sheegtay Al-Shabaab.

Weerarkan ayaa noqonaya kii labaad oo ka dhaca Muqdisho muddo ka yar hal isbuuc.

Mowduucyada la xiriira