Trump oo lagu dhaliilay hadal uu jeediyay

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Trump ayaa horay u jeediyay khudbado muran dhaliyay

Musharaxa madaxtinimada ee xisbiga Jamhuuriga Doland Trump ayaa dhaliil kala kulmay xisbigiisa Jamhuuriga iyo xisbiga kale ee uu loolanka kala dhaxeeyo ee Dimuquraadiga kaddib markii uu ku jeesjeesay hooyada askari mareykan ah oo lagu dilay dalka Ciraaq.

Hooyadan oo lagu magacaabo Ghazala Khan ayaa garab taagnayd seygeeda oo khudbad uu ku dhaliilayo Trump ka jeedinayay shir weynihii xisbiga Dimuquraadiga ee dhawaan lagu soo gabagabeeyay Philadelphia.

Trump ayaa hooyadan ku dhaliilay in ay iska garab taagnayd seygeeda oo aan xitaa loo ogolaan in ay hadal jeediso.

Siyaasiinta xisbiyadaasi ayaa sheegay in hadalka Trump uusan ahayn mid munaasab ku ah hooyo uu wiilkeedu ku dhintay dal shisheeye isaga oo dalkiisa difaacaya.

Khizr Khan ayaa khudbadda uu ka jeedinayay shirweynaha xisbiga Dimuquraadiga ku eedeeyay Trump in uusan dalkiisa waxba u hurin, hadalkaa oo ka careysiiyay Trump.

Khan ayaa wiilkiisa oo 27 jir ahaa isla markaana ka tirsanaa ciidammada Mareykanka waxa uu ku dhintay qarax baabuur oo ka dhacay dalka Ciraaq saandkii 2004-tii.

Dadka arrintaa Trump ku dhaliilay waxaa ka mid ah madaxweynihii hore ee mareykanka Bill Clinton, waxa uuna sheegay in uusan filaynin in Trump uu wax ka sheego hooyada halyay dalkiisa u dhintay.

Sidoo kale barasaabka gobolka Ohio John Kasich, ayaa qoraal uu Twitter-ka soo dhigay waxa uu ku sheegay in sida kaliya ee looga hadlo waalidiinta halyeeyada ay tahay in la ixtiraamo oo kali ah.

Mowduucyada la xiriira