R/wasaaraha Tunisiya oo kalsoonida lagala noqday

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Xabib Essid, Ra'iisul wasaaraha kalsoonida lagala noqday

Ra’iisul wasaaraha dalka Tunisiya waxa uu ku guuldareystay cod kalsoonida ay kala noqdeen baarlamaanka.

118 xildhibaan ayaa u codeeyay in Ra’iisul wasaaraha kalsoonida lagala noqdo, halka 27 keli ay u codeeyeen inuu xilka siihayo.

Ra’iisul wasaaraha waxaa dhowaanahana haystay cadaadis ah inuu is casilo. Laakiin doodaasi waxaa markii dambe loo gudbiyay baarlamaanka.

Dhaqaale xumada dalka iyo isbedel la’aanta siyaasadda ayaa loo arkaa in ay ugu wacan tahay in kalsoonida lagala noqdo.

Mowduucyada la xiriira