Rasaasayn ka dhacday Maraykanka

Lahaanshaha sawirka
Image caption Booliiska Maraykanka

Hal qof ayaa ku dhintay afar kale ayaana isbitaal la dhigay kaddib markii ay rasaas ka dhacday labo goobood oo kala duwan oo ku yaalla magaadala Austin, sida ay booliisku sheegeen.

Labada goobood ee falalku ka dhaceenba hadda waa ammaan sida ay sheegeen booliiska Austin kaddib markii mar hore la sheegay in uu joogo qof xabado soo ridaya.

Weerarku wuxuu ka dhacay deegaanka madadaalada ee magaalada.

Muuqaal laga helay magaalada ayaa muujinaya qof yaala dhulka meel baar hortii ah oo ay booliis ku gadaaman yihiin dadkana dib uga celinayaan.

Gabadh loo malaynayo in ay da’da labaatameeyada ku jirto ayaa la sheegay in ay iska goobtii ku dhimatay, saddex haween ah oo kale oo da’da soddomeeyada kujira ayaa isbitaal la geeyay iyaga oo dhaawacyo culus qaba sida ay booliisku sheegeen.

Qofka hubaysan ayaan wali gacanta lagu haynin, booliiskuna waxay dalbadeen in loo soo gudbiyo wixii muuqaallo ah ee laga hayo arrintaas.

Dhacdada labaad oo waxyar uun ka fog ta hore ayaa rasaas lagu riday meel la dhigo gawaarida oo ku taala geerash.

Wiil da’ada labaatanka ku jira ayaana isbitaal la geeyay.

Booliisku waxay sheegeen in wiilkaas loo malaynayo in uu yahay qofka rasaasta riday.

Mowduucyada la xiriira