Qarax weyn oo ka dhacay magaalada Kabul

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Meesha uu weerarka ka dhacay hadda waxaa amnigeeda sugaya ciidamada Afghanistan

Waxaa weerar lagu qaaday dhismo ay ku badan yihiin dadka ajaaniibta ah ee qandaraaslayaasha ah oo ku yaalla dalka Afghanistan.

Weerarka oo loo adeegsaday gaari xamuul oo waxyaabaha qarxa laga buuxiyay ayaa lala eegtay saldhigga hawada ee Bagram oo ah duleedka Kabul.

Dhismaha la weeraray oo loo yaqaano North Gate, ayaa seddax sano ka hor lagu qaaday weerar kan hadda la mid ah.

Wararku waxay sheegayaan in laba qof oo mid yahay askeri, ay ku dhinteen qaraxa. qofka labaad ee dhintay ayaa lagu sheegay dableyda Taliban kamid ahaa.

Ururka Taliban ayaa war qoraal ah ku sheegtay in weerarkaasi ay masuul ka tahay.

Waxa ay ururka sheeganayaan in dagaal yahanadeeda ay dhismaha gudaha u galeen.

Lama garanayo qasaaraha ka dhashay weerarka, mana jiro war kasoo baxay dhanka maamulka dalka Afghanistan.

Mowduucyada la xiriira