Ruushka oo diyaarad looga soo riday Suuriya

Lahaanshaha sawirka AFP

Ruushka ayaa sheegay in mid kamid ah diyaaradahooda qumaatiga u kaco oo ay isticmaalayeen milatarigooda ku sugan Suuriya toogasha lagu soo riday maanta.

Wasaaradda difaaca ee dalka Ruushka, ayaa sheegtay in shan qof ay saarnaayeen diyaaradaasi markii ay ku soo dhacday gobalka Idlib.

Waxaa lagu soo waramayaa in dhammaan shantaasi qof ay dhinteen.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha difaaca ayaa sheegay in helikobtarkaasi gantaal lagu dhuftay iyadoo ka soo laabatay dhinaca magaalada Xallap oo ay gaarsiisay gargaar bani'aadanimo.

Kooxaha falaagada ayaa kol hore sheegtay inay iyaga soo rideen diyaaradaasi. Waxay baraha buslahada soo dhigeen sawirro iyo muuqaallo muujinaya burburka diyaaradda.

Mowduucyada la xiriira