Turkiga oo u yeeray dublamaasi Jermal ah

Image caption Erdogan iyo Merkel

Dawladda Turkiga ayaa u yeertay dublamaasi sare oo Jermal ah, iyada oo ka cabanaysa go'aanka lagu joojiyay khubkad uu madaxwayne Rajab Dayib Erdogan u jeedin lahaa dad taageersan oo isugu soo baxay dalka Jermalka Axaddii.

Dadkaas ayaa muujinayay sida ay uga soo horjeedaan inqilaabkii dhicisoobay.

Maxkamadda dastuuriga ah ee dalka Turkiga ayaa diiday codsi lagu doonayay in uu madaxwaynuhu si toos ah khudba ugu jeediyo dadka taageersan ee ku sugan magaalada Cologne.

Wariyaha BBC-da ee ku sugan dalka Turkigu wuxuu sheegayaa in arrintani ay aad u xoojinayso dareenka ah in madaxwayne Erdogan uusansan quwadaha reer galbeedka ka helaynin taageeradii ay ahayd in uu ka helo.

Bishii hore dalka Turkiga waxaa ka dhacay afgambi dhicisoobay.

Dalka Germanka waxaa ku nool saddex milyan oo ruux Turki ah balse dhalashada Germalka haysta.

Mowduucyada la xiriira