Trump oo lagu xirtay xujo canshuur celin

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Buffett waxa uu sheegay inuu Trump kula kulmayo meelkastoo uu jecel yahay

Ninka taajirka ah ee Mareykanka u dhashay ee ganacsada ah, Warren Buffett, ayaa waxa uu ku xujeystay musharraxa xisbiga Jamhuuriga Donald Trump inuu shaaciyo canshuur celinta uu sameeyay.

Mr Trump waxa uu sheegay in uusan shaacin karin illaa maamulka dhaqaalaha ay ka dhameystirayaan hubinta.

Laakiin Mr Buffett waxa uu tilmaamay inaysan jirin shuruuc diidaysa in la bandhigo canshuur celinta dadkana loo ogolaado inay suaalo ka keenaan.

Asigoo ka hadlayay kullan ay qabteen taagerayaasha, Hillary Clinton, Mr Buffet waxa uu xaqiijiyay in asiga xittaa lagu wado hubin, uuna diyaar u ahaa inuu la kulmo Mr Trump, si ay u shaaciyaan canshuur celintooda.

Mowduucyada la xiriira