Swansea oo Williams u diiday Everton

Ashley Williams
Ashley Williams ayaa kabtan u ah kooxda Swansea iyo xulka Wales

Kooxda Swansea City ayaa diiday 10 milyan oo pound lacagtaasi oo ay kooxda Everton kagala wareegi rabtay difaaceeda khadka dhexe ee Ashley Williams.

Kabtankan kooxda Swansea iyo xulka Wales ayaa la sheegay in uu ku dhawaa u wareegida garoonka Goodison Park ee ay leedahay kooxda Everton.

Williams, oo dhammaadka bishan 32 jirsan doona ayaa qandaraas ka haysta kooxda Swansea, kaasoo socon doona ilaa sanadka 2018.

Laacibkan ayaa kaalin muuqata ka qaatay horyaalkii qaramada Yurub ee dhawaan ka dhacay dalka Faransiiska, uuna xulkiisa Wales ka gaaray nus dhammaadka.

Top Stories