BBC News, Somali - War
Wararka ugu waaweyn
Muxuu Abiy Axmed ka yiri warshadda hubka iyo rasaasta ee Itoobiya
Abiy Axmed wuxuu 2014 sheegay inay rasaas iibsanayaan, iyada oo 2015 ay bilaabeen asaasidda warshadda hubka. Arrintan ayaa timid xilli ay jirto xiisad u dhaxeysa Itoobiya iyo Ereteriya.
Maxaad ka taqaan dalkan ay muslimiintu ku nool yihiin ee aan lahayn masjid iyo meel laga helo cunto xalaal ah
Dhowr arrimood oo muhiim ah ayaa jira oo qofka doonaya inuu booqdo dalkaas ay tahay inuu sii ogaado, waxaana ugu waaweyn arrimo qofka muslinka ah uu tabayo.
Saamaynta koronto la'aanta ka taagan gobolka waqooyi bari Kenya: "Dadweynaha oo adeegyadii korantada u doonanaya Soomaaliya"
Shacabka iyo qaar kamid ah siyaasiyiinta deegaanka laga soo doorto ayaa si isku mid ah uga hadlay dhibaatada koronto la'aanta, iyaga oo si gaar ah eedda ugu jeediyay shirkada korontada ee Kenya.
TOOS, Madaxda Yurub oo sii xoojiyay taageeradii Ukraine
Ku soo dhowaada tebinta tooska ah ee maanta
Muxuu yahay kaarka cas ee caawinaya dadka Mareykanka laga tarxiilayo?
Midabku wuxuu tixraac u yahay kaararka cas ee ay garsoorayaashu u isticmaalaan ciyaaraha kubbadda cagta si ay ciyaartoy uga saaraan garoonka marka uu khalad galo.
Gantaalkii ugu waynaa abid ee hawada loo diray oo fashilmay iyo burburkiisa oo hakiyay duulimaadyadii Maraykanka qaar
Gantaal ay leedahay shirkadda SpaceX ayaa qarxay wax yar ka dib markii laga soo tuuray Texas maalinkii Khamiista, isagoo sababay in ay hakadaan dullimaadyadii iyo sidoo kalana la bixiyo digniino ku saabsan inuu soo daadan doono burburka gantaalka ee hawada sare ku jira.
Madaxweynaha Ukraine oo raali galiyay Tump iyo wadahadallo u bilaabanaya labada dhinac
Zelensky waxaa saarnaa cadaadis xooggan oo Mareykan uga imaanayay si uu u sameeyo tanaasul ka hor wadahadal kasta oo nabadeed
Maxay tahay saamaynta ka dhalan karta $1.5 bilyan oo Maraykanku ka joojiyey Soomaaliya
Wasiirka maaliyadda ee Soomaaliya ayaa dhawaan baarlamaanka ka hor sheegay in lacag lagu qiyaasay $1.5 bilyan uu Maraykanku ka joojiyey xukuumadiisa, taasoo lagu bixin jiray dhinacyada gargaarka iyo milateriga
Somaliland oo amar ka soo saartay sare u kaca qiimaha shaaha ee Burco. Waa maxay sababta?
Mid ka mid ah dadka makhaayadaha ku haysta Burco ayaa BBC u sheegay in qiime korodhkan cusub ee ku yimid shaaha loo nisbayn karo dhowr qodob oo in muddo ah soo taagnaa, isla markaana ay culays ku keentay ganacsigooda
Sidee ninkan ugu suurto-gashay inuu liqo dhego qaali ah oo lagu eedeeyey inuu xaday, sideese lagu ogaaday
Ninkaas oo hore alaab u xaday ayaa hadda ku jira gacanta booliska. Bolisku weli ma aysan sheegin inu dambiile yahay, laakin waxaa la hayaa caddaymo muujinaya xatooyada lagu eedeeyey
Trump oo u hanjabay Xamaas hadii ay sii deyn weydo dhamaan lahaystayaasha Israa'iil
Ku soo dhowaada tebinteenna tooska ah ee maanta
Siyaabo aad ku joojin kartid xiisaha macmacaanka xilliga ramadaanka
Khubaradu waxay ku talinayaan in la cabbo biyaha wakhtiga afurka, kuwaas oo kaa caawinaya dhimista rabitaanka macaanka.
Maqal iyo Muuqaal
Xul
Xamaas oo xaqiijisay dilka, ninka ay Israa'iil u taqaannay 'Bisadda leh Sagaalka Nafood`
Israa'iil waxay sheegtay in Deif uu ka mid ahaa dadkii mas'uulka ka ahaa qorsheynta weerarradii 7-dii Oktoobar ee koonfurta Israa'iil oo ay ku dhinteen 1,200 oo qof, 251 kalena ay afduub ahaan ugu qabsadeen.
Mareykanka oo sheegay inay duqaymo dhanka cirka ah ku qaadeen Xuutiyiinta
Ku soo dhowaada tebinta tooska ah ee BBC-da
Xisbullaah iyo Israa'iil oo loogu baaqay in ay xiisadda dejiyaan
Ku soo dhawaada tabinteenna tooska ah ee maanta
Israa'iil oo shaacisay tiro askarteeda ah oo looga dilay Rafax iyo Xamaas oo ka hadashay
Dilka sideedda askari ayaa ah dhacdadii ugu darnayd ee ciidamada Israa’iil l ay kala kulmaan marinka Qasa tan iyo bishii Janaayo ee sanadkan.
TOOS, Wararkii ugu dambeeyay dagaal beeleed dad badan ku dhinteen oo ka dhacay gobolka Galagduud iyo sida hadda xaaladdu tahay
Kusoo dhawaada tebinteenna tooska oo aad ka heli kartaan wararkii ugu dambeeyay.
Muxuu salka ku hayaa dagaalka Baladweyne, maxayse yihiin ragga ku dagaalamaya?
Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa ka dhacay dagaal u dhexeeya ciidamo kala taabacsan Hirshabeelle iyo ciidamo taabacsan koox la magac baxday Hiiraan State oo ku sugan gudaha Baladweyne.
Dal ay Soomaali badan iska dhiibto oo qaadashada baasaboorkisa ku xiray aqoonsiga Israa'iil
Waayadan dambe, dagaalka Qasa waxa uu caqabado aan hore loo arag ku noqday qaar ka mid ah Muslimiinta kunool dalalka Yurub
Muuqaal, Sida wiilkan Soomaaliyeed u hirgeliyay adeeg mobile oo Af Soomaali iyo afaf kale lagu barto
Cabdinur Cali Mahdi, oo bartay cilmiga tiknolojiyadda ayaa hindisay application, barnaamij ku shaqeeya mobileka oo ardayda ka caawinaya inay afkooda hooyo ku bartaan manhajyada iskuulada lagu barto.
Xanuunnada halista ah ee laga yaabo inuu wax ka taro subagga ay Soomaalidu isticmaasho
Subagga loogu isticmaalka badan yahay dhulka Soomaalida waxaa laga soo saaraa caanaha ariga iyo lo’da inkastoo abaaraha saameeyey deegaannada uu yaraaday helitaankiisa.
Waa qoloma Naadiya, Su’aasha ugu badan ee ay Soomaalida maanta isweydinayaan?
Kadib guushii shalay ee Naadiya Maxamed, oo loo doortay duqa magaalada St. Louis Park ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, ayaa arrintaasi mar kale soo shaac baxday.
Ayaan Kaaba iyo jaceylkii ay u tahriibtay: ‘Sababta aan ninkeyga ugu tilmaamay Walaal, Soomaaliduna waa wada sirdoon’
Markii uu soo baxay warka la xidhiidha xaflada arooska Ayaan Kaaba iyo seygeeda Cabdi Daysane toddobaadkii hore ayay dadka internetku adeegsida bilaabeen inay dib u baadhaan xidhiidhka horey uga dhexeeyay lamaanahan cusub.



























































