Qarax khasaaro ka geystay Benghazi

Dagaal ayaa muddo ka socday magaalada Benghazi
Ugu yaraan 18 askari ayaa ku dhimatay qarax gaari loo adeegsaday oo ka dhacay magaalada Benghazi ee dalka Liibiya.
Dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo koox taageersan ururka isku magacaabay dowladda Islaamiga ayaa magaaladaasi ka socday in ka badan laba sano.
Qaraxan u dambeeyay ayaa dhacay maalin un kadib markii Maraykanka uu duqeyn dhanka cirka ah ku qaaday ururka dowladda Islaamiga ah ee ku sugan magaalada bartamaha ku taal ee Sirte.
Ila wareed dhanka amniga ah oo ku sugan Banghazi ayaa u xaqiijiyay BBC in qaraxaasi lagu bartilmaameedsaday xarunta unugta146-aad, oo ah ciidan ku lug lahaa dagaalka ka dhanka ah ururka dowladda Islaamiga ee ku sugan magaladaasi.
Qaraxa ayaa ka dhacay meel u dhow kaalin shidaal oo ku taal xaafad ka tirsan Banghazi, oo mudooyinkii dhawaa aheyd goob dagaalo culus ay ka dhaceen.
Golaha BRSC
Gollaha Shuurada ee kacaanka Banghazi, oo magaciisa loo soo gaabiyo BRSC, ayaa la sheegayaa in ay qirteen masuuliyada weerarka, iyaga oo warkaasina soo dhigay baro internetka ah oo xiriir la leh.
Golahan ayaa ah dalad ka kooban dhowr koox oo Islaami ah, iyo sidoo kale shakhsiyaad daacad u ah ururka dowladda Islaamiga.
Waxa ay ku midoobeen howgal miletari oo muran badan dhaliyay, kaasoo ka dhan ahaa Islaamiyiinta oo uu hoggaaminayay jeneraal, Khalifa Hefter, laba sano ka hor, xilligaas oo magaalada ay ka jireen dilal qorsheysan, iyo qaraxyo maalin waliba lala beegsanayay milatariga, booliska, iyo dadka siyaasadda u ololeeya.