Obama oo xariga u yareeyay maxaabiis

Xigashada Sawirka, Getty Images
Obama ayaa xabsiga ka yareeyay 214 maxbuus
Madaxweynaha Maraykanka, Barack Obama, ayaa yareeyay sanadaha ay ku xukuman yihiin 214 maxaabiis ah, tiradaasi oo uu aqalka cad ee dalkaasi looga arrimiyo ku tilmaamay tii ugu badneyd ee uu madaxweyne amro maalin gudaheed boqolkii sano ee lasoo dhaafay.
War qoraal ah oo kasoo baxay aqalka cad ayaa lagu sheegay in madaxweyne Obama uu go'aankaasi u qaatay, si uu meesha uga saaro wax uu u arkay shuruuc adag oo lagu xukumo kuwa maandooriyaha adeegsada balse aan dhibaatooyinka geysan.
Maxaabiista la filayo in go'aankan awgiis xabsiga looga sii daayo ayaa waxaa ka mid 67 qof oo ku xukunnaa xabsi daa'in.
Lama sii deyn doon dhammaan maxaabiistaasi, balse qaar ka mid ah ayaa sanadaha ay xiran yihiin laga dhimi doonaa, halka kuwo kalena loo diri doono goob dhaqancelin ah.