Ilhan Cumar oo ku guulaysatay tartanka isreebka ee xisbiga Dimoqraadiga ee gobolka Minnesota

Ilhan Cumar oo ku guulaysatay tartanka isreebka ee xisbiga Dimoqraadiga ee gobolka Minnesota
Ilhan iyo taageerayaasheeda oo dabaaldegaya

Xigashada Sawirka, Star Tribune

Qoraalka sawirka,

Ilhan iyo taageerayaasheeda oo dabaaldegaya

Ilhan Cumar oo ah gabar Soomaali ayaa samayn rabta taariikh inay noqoto qofkii ugu horeeyay oo Soomaali ah oo ka noqota xildhibaan gobolka Minnesota ee Maraykanka.

Ilhan Cumar oo ka tirsan Xisbiga Dimoqraadiga ee waddanka Mareykanka ayaa ku guulaysatay isreebka xisbigaasi ee tartanka aqalka wakiilada gobolka Minnesota ee degmada 6B.

Waxaa jagadaasi kula tartamayay laba xubnood oo kale oo ay ka wada tirsan yihiin Xisbiga Dimoqraadiga.

Ilhan ayaa noqonaysa gabadhii ugu horreysay ee Soomaali ah oo ku guulaysata isreebreebka xisbi ka mid ah xisbiyada waa weyn ee Mareykanka.

Waxayna bisha November ee soo socota ay Ilhan la tartami doontaa qofka ka soo baxay xisbiga Jamhuuriga.

Wariyaha BBC-da Maxamed Xaaji Xuseen, ayaa joogay halka xarunta u ah ololaha doorashada Ilhan waxaanu waraystay Ilhan iyo odaygeeda oo ololaha kala qeybqaadanayay.

Waxay ka guulaysatay is reebreebkii xildhibaanadii gobolka Minnesota Phylis Kahn ee waqtiga ugu dheer joogtay.

Ms Cumar oo 33 jir ah ayaa reerkeeda uu ka soo guuray dagaalka Soomaaliya, waxayna afar sano ku nooleed xeryaha qaxootiga ee Kenya, intaysan u guurin Maraykanka.