Aqalka sare ee Hindiya oo ansixiyay sharci lacagta fasaxa ilmaha lagu dhalo

Hooyo iyo ilmaheeda Lahaanshaha sawirka COURTESY: MANEKA GANDHI
Image caption Dumarka reer Hindiya ayaa laf dhabar u ah dhaqaalaha Hindiya, waxayna dowladda doonaysaa inay shaqeeyaan dumar badan

Aqalka sare ee Hindiya ayaa ansixiyay sharci laba jibaaraya lacagta la siiyo dumarka markay qaataan fasax ay ku soo dhalaan.

Waxay hadda qaadan karaan labaatan iyo lix toddobaad oo fasax ah oo mishaarkooda ay qaadanayaan. Dumarka ka faa'idaysanaya sharciga waxaa ka mid ah dumarka ilamaha korsada iyo kuwa isticmaala dumar kale inay uurka u qaadaan.

Shirkadaha shaqaaleeya in ka badan konton qof ayaa laga doonayaa inay sameeyaan meel ilamaha lagu hayo.

Dowladda ayaa rajaynaysa in sharciga cusub uu dhiiri galin doono dumarka xirfada sare leh inay shaqeeyaan, markii ay ilmo dhalaan si dhaqaalaha uu u kordho.

Hadda ilaa kala bar dumarka ayaa shaqada iska joojiya si ay ilamaha u koriyaan.

Mowduucyada la xiriira