Rag ka tirsan Daacishta Soomaali ayaa la "qabtay"
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Rag ka tirsan Daacishta Soomaaliya oo la "qabtay"

Ciidanka sirdoonka ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen 4 qof oo ay sheegeen in ay ka tirsan yihiin ururka Daacish ee ka hawlgala Soomaaliya.

Afarta qof oo magacyadooda iyo sawirradooda la soo bandhigay ayaa laga qabtay gudaha magaalada Baydhabo.

Arrintaas waxaa BBC uga warramay wasiirka hub ka dhigista iyo dhaqancelinta maliishiyaadka ee maamulkaas Xasan Xuseen Maxamed, Faarax Lamaane ayaana marka hore weydiiyey bal in uu xaqiijiyo warkan.