Magaalo Maraykanka ku taalla oo xaalad dagdag ah lagu soo rogay

Afar booliis ah ayaa ku dhaawacantay rabshadaha Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Afar booliis ah ayaa ku dhaawacantay rabshadaha

Gudoomiyaha gobolka Waqooyiga Carolina ayaa ku dhawaaqay xaalad dagdag ah oo la galinayo magaalada Charlotte iyada oo ay wali sii socoto daganaansho la'aanta ka dhalatay ninka madaw gacanta booliiska ku dhintay

Rabshadahan ayaa habeenkii labaad socda kaddib markii Keith Lamont Scott toogasho lagu dilay waxaana dilay Arbacadii booliis madaw ah.

Qof mudaaharaadayaasha ka mid ah ayay xaaladiisu liidataa kaddib markii la sheegay "in shacabka dhexdoodu ay is toogteen", sida ay maamulka magaaladu sheegeen.

Scott ayaa noqonaya ninkii saddexaad ee madaw ah ee ay booliis dilaan mudo todobaad ah, toogashooyinka sidan oo kale ah ayaana mudaaharaadyo waawayn sababay muddooyinkii dambe.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Booliiska ayaa adeegsaday qiiqa dadka ka ilmaysiiya

Booliiska magaalada Charlotte ayaa qiiqa dadka ka ilmaysiiya u isticmaalay boqolaal ruux oo mudaaharaad dhigayay. Xafiiska booliiska ee deegaankaasi ayaa sheegay in ay dhaawacmeen afar askari.

Mar sii horaysayna gudoomiyaha Waqooyiga Caroline, Pat McCrory ayaa sheegay in uu isagu "ka dambeeyay dadaalada" lagu isticmaalayo ilaalada qaranka iyo ilaalada wadooyinka waawayn si ay gacan uga gaystaan xakamaynta mudaaharaadka.

Wuxuu intaas ku daray in aan loo dul qaadan karin rabshado kale oo ku wajahan shacabka, booliiska ama hantida dadwaynaha.

Mudaaharaadayaashu waxay ka caraysan yihiin dilka Scott oo 43 sano jir ah oo ay booliisku dileen galinkii dambe ee Arbacadii kaddib markii uu dhacay muran guryo la xiriira.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Booliska Charlotte oo ka hortagaya dibed baxayaasha