QM: Faragelin ayaa lagu hayaa doorashada Soomaaliya
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

QM: Faragelin ayaa lagu hayaa doorashada Soomaaliya

Qaramada Midoobay ayaa niyad jab ka muujisay dib u dhaca doorashooyinka madaxtooyada iyo baarlamaanka, waxase ay sheegtay in ay rajaynayso in doorashadu u dhici doonto si "habsan oo hufan".

Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Micheal Keating, ayaa Salaasadii sheegay in saraakiisha Qaramada Midoobay ay ka walaacsanyihiin dib u dhaca, kaas oo noqonaya kii ugu dambeeyay dib u dhacyo is xigxigay oo ku yimid doorashada.