Culimada Soomaaliyeed oo walaac ka muujisay qoonadada haweenka
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Culimada Soomaaliyeed oo walaac ka muujiyay qoondada haweenka

Hay'adda culimada Soomaaliyeed ayaa walaac ka muujisay qoondada boqolkiiba sodonka ah, ee haweenka laga siiyay saami qaybsiga baarlamanka la dhisi doono todobaadyada foodda nagu soo haya.

Culimada ayaa sheegay in ay tahay in si siman rag iyo haweenba loogu tartamo kuraasta baarlamanka intii cid gaara meel laagu xiri lahaa.

Shir jaraa'id oo ay culimadu ku qabatay magaalada Muqdisho, waxa ka qabgalay madax dhaqameed iyo salaadiin.

Weriyaha BBC ee Muqdisho Ibraahim Maxamad Aadan, ayaa markii uu soo dhamaaday shirkaasi jaraa'id waraystay Sheekh Nuur Baaruud Gurxan, oo ah afhayeenka hay'adda culimada Soomaaliyeed.

Wuxuna marka hore weydiiyay walaaca ay ka qabaan qoondada haweenka, wuxuna ku jawaabay.