Biyo la'aan ka taagan gobollada qaar ee Soomaaliya
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Biyo la'aan ka taagan gobollada qaar ee Soomaaliya

Biyo la'an daran ayaa laga soo sheegayaa deegaanno ka tirsan gobollada koofureed ee Soomaaliya, halkaasoo aysan si wanaagsan uga di'in roobabkii la filayey.

Deegaannadaas waxaa ka mid ah degmada Afmadow ee gobolka Jubada Hoose oo wararka ka imaanaya ay sheegayaan in biyo la'aan baahsan ay ka taagan tahay degmada iyo tuulooyinka ku xeeran.

Raage Xasan ayaa arrimaha biyo la'aanta ka waraystay guddoomiyaha degmada Afmadow Muuse Macallin, wuxuuna marka hore weydiiyey inuu faahfaahin ka bixiyo baaxadda ay dhibaatadu leedahay

Mowduucyada la xiriira