Abaalmarin la guddoonsiiyay shaqaalaha caafimaadka ee Gariisa
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Abaalmarin la guddoonsiiyay shaqaalaha caafimaadka ee Garissa

Dowlad deegaanka Gaarisa ayaa kaalinta koobaad ka gashay qiimayn ay sameysay wasaaradda caafimaadka ee dowladda dhexe ee Kenya, waxa ayna arrintaa ku muteysatay bixinta adeegyada caafimaadka.

Qiimayntaasi ayaa lagu ogaaday in dowlad deegaanka Garissa ay leedahay hannaanka caafimaad ee ugu wanaagsan guud ahaan Kenya, waxa ayna ku guuleysatay hoos u dhaca dumarka u dhinta umul raaca.

Qiimeyntaasi kaddib ayaa dowlad deegaanku waxa ay abaalmarin siisay qaar ka mid ah hawlwadeenadeeda caafimaadka ee sababta u noqday guushaasi, sida uu warbixintan ku eegaya weriyaha BBC-da Bashkas Jug-soo-Dhacay.