Nigeria oo shidaal badan laga helay

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Batroolka Nigeria

Sharikadda weyn ee batroolka soo saarta ExxonMobil ayaa shaaca ka qaaday inay ka heshay shidaal badan oo gaadhaya hal bilyan oo foosto dalka Nigeria .

Waxaa shidalakan laga helay meesha la yiraahdo Owowo oo 100km u jirta goobta shidaalka laga dhoofiyo ee Bonny Oil ee gobolka Niger Delta.

Nigeria ayaa aad ugu tiirsan dhoofinta shidaalka inakastoo barayahan danbe ay aad u sameeysay hoos u dhaca ku yimi qiimaha saliida.

khamiisti ayaa dowlada Nigeria ku dhawaaqday mashaariic gobolka laga hirgalinayo oo ku kacaysa toban bilyan oo doolar oo ay rajeenayso inay wax ka qabato mucaaridka hubayasan ee ka jira gobolka Delta .