Duqeynta lagu hayo Xaleb oo la hakiyay

Duqeymaha Xaleb Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Duqeymaha cirka ayaa burburiyay qeybo ka tirsan Bariga Xaleb

Ruushka iyo ciidanka dowladda Suuriya ayaa si kumeelgaar ah u hakiyay duqeynta ay ku hayaan bariga magaalada Xaleb ee Suuriya, si ay halkaa uga baxaan xooggaga ka dagaallamaya iyo dadka rayidka ah ee ku go'doonsan.

Xooggaga mucaaradka ayaa ku gacan-sayray tallaabadaasi, waxaana ay sii wadaan dagaalka.

Weriye ka tirsan BBC oo ku sugan Xaleb ayaa sheegay in uu maalmahan sii xogeysanayay dagaalka ka socda halkaasi, ayna ciidanka dowladda ka go'antahay in uu dib u qabsado deegaannada ay mucaaradka ka taliyaan.

Xooggaga fallaagada ah ayaa dhankooda ku dadaalaya sidii ay usii haysan lahaayeen deegaannadaasi.

Diyaaradaha dagaalka ee Ruushka iyo Suuriya ayaa la filayaa in ay dib u bilaabaan duqeymahooda, marka uu dhammaado waqtiga ay u qabteen xabbad joojinta kumeelgaarka ah.