Yaya Toure oo raali-gelin bixiyay

Tuore Yaya Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Pep Guardiola iyo Yaya Toure ayaan xiriir wanaagsan lahayn.

Laacibka khadka dhexe uga dheela kooxda Manchester City, Yaya Toure, ayaa raali-gelin siiyay kooxdiisa, asaga oo sheegay in uu ka xun yahay "is-fahan waa horay u dhacay."

Tababaraha kooxdaasi, Pep Guardiola, ayaa sheegay in aanu u ciyaari doonin laacibkan 33 jirka ah ee Ivory Coast u dhashay, ilaa iyo inta uu wakiilkiisa raali-gelin ka bixinayo dhaliil uu u jeediyay go'aankii looga reebay ciyaaraha horyaalka Yurub.

Toure ayaa farriin uu soo dhigay bartiisa Facebook ku sheegay, "waxaan raali-gelinta bixinayaa aniga oo ku hadlaya afkeyga iyo kuwa i matala."

Waxa uu intaa ku daray in hadalka uu sheegay wakiilkiisa aan loo qaadan karin fekerka uu ka qabo naadiga Manchester City ee uu ka tirsan yahay.