Jarmalka oo xiray rag lagu tuhunsan yahay mintidnimo

Booliska Jarmalka Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Shanta nin ayaa lagu qabtay howlgalo ay booliska ka sameeyeen gobollada Lower Saxony iyo North Rhine Westphalia

Dacwad oogayaasha Jarmalka ayaa sheegay in booliska dalkaasi ay xireen 5 nin, oo looga shakisan yahay in ay kaalmaynayeen ururka isku magacaabay Dowladda Islaamka.

Raggaasi ayaa lagu eedeeyay in ay dhalinyaro u qorayeen ururkaasi, isla markaana ay dhaqaalo ku taageereen.

Saraakiisha ayaa sheegaya in raggan lagu qabtay howlgalo ay booliska ka sameeyeen gobollada Lower Saxony iyo North Rhine Westphalia.

Warbaahinta dalkaasi ayaa ku warramaysa in dadkaasi la tuhunsan yahay uu ka mid yahay wadaad Ciraaqi ah oo lagu magacaabo Abu Walaa.

Wararka ayaa intaa ku daraya in wadaadkiisa ay dowladdu dabagal ku haysay muddo aan la sheegin.

Laamaha ammaanka ee dalkaasi ayaa heegan sare ku jiray tan iyo bishii October, xilligaasi oo ay qabteen nin Suuriyaan ah oo haystay walxaha qarxa, kaasoo looga shakiyay inuu xiriir la lahaa ururka Dowladda Islaamka.