Ciidanka Ciraaq oo qabsaday magaalada Nimrud

Khariidad muujinaysa halka magaalada Nimrud dalka kaga taal Lahaanshaha sawirka Google
Image caption Khariidad muujinaysa halka magaalada Nimrud dalka kaga taal

Ciidanka Ciraaq ayaa sheegay in xoogagoodu dib u qabsadeen magaalada Nimrud ee dhanka koonfur bari ka xigta magaalada Mosul, laba sannadood ka dib markii ay kooxda Dowladda Islaamka gacanta u gashay.

Qaybta qadiimka ah ee magaalada, oo mar ahaanjirtay caasimadda imbiraadooriyaddii Assyrian ka, ayey gabi ahaan ba burburiyeen kooxda Daacish sannadkii hore. Qaramada midoobayna way dhaleecaysay falkaa oo waxay ku tilmaantay fal dambiyeed.

Milatariga Ciraaq wuxuu sheegay in askartoodu si buuxda ula wareegeen dhamaan magaalada qaybtii qadiimka ah iyo magaalada inteeda kale ba iyo tuulo kale oo magaalada u dhow.