Xabbad joojin kooban oo laga shaaciyay Yemen

Yemen War Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption In ka badan toban kun oo qof ayaa ku dhimatay dagaalka sokeeye ee Yemen

Xulafada uu horkacayo Sacuudiga ee qeybta ka ah dagaalka Yemen, ayaa shaacisay xabbad joojin 48 saac ah, oo dhaqan galaysa saqda dhexe ee caawa.

Waxa ay sheegeen in xabbad joojinta la kordhin doono haddii Xuutiyiintu ay dagaalka joojiyaan, isla markaana ay gargaarka bani'aadannimo u ogolaadaan deegaannada ay ka taliyaan.

In ka badan toban kun oo qof ayaa ku dhimatay dagaalka sokeeye ee dalkaasi ka socday labaatankii bilood ee lasoo dhaafay.

Xuutiyiinta ayaan weli ka hadlin xabbad joojinta la shaaciyay, waxaana horay u burburay dhowr xabbad joojin oo horay loo gaaray.

Xoghayaha arrimaha dibedda ee Maraykanka, John Kerry, ayaa maalmo ka hor sheegay in xulafada iyo Xuutiyiinta ay isla meel dhigeen in colaadda la hakiyo.

Balse dowladda caalamku aqoonsan yahay ee uu hogaamiyo madaxweyne Cabdurabbah Mansuur Haadi, ayaa dhiiday xabbad joojinta, waxaana ay ku andacooneysaa in aan lagala tashan.