Dowlada Colombia oo ka shaqeneysa heshiis cusub

Heshiiska nabada ee Colombia Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Heshiiska nabada ee Colombia

Dagaalka sokeeye ee dalka Colombia oo u dhaxeeya falaagada FARC iyo dowladda oo socday 50kii sano ee la soo dhaafay ayaa galabsaday nolosha dad gaaraya 200 kun oo qof.

Afti la qaaday bishii Octobar oo la doonayey in lagu meel mariyo heshiis socday muddo afar sanno ah ayaa waxa ka hor yimid shacabka dalkaas, arrintaas oo ka yaabisay dad badan.

Dadka dhaliilay heshiiskani oo uu kamid yahay Madaxweynihii hore ee dalkaasi Mr Alvaro ayaa waxaa uu sheegay in qorshaha la soo jeediyay ay ka qabaan walaac badan madaama ay jiraan xadgudubyo ka dhan ah xuquuqd aadanaha.

Waxaana ilaa iyo imika taagan xabad joojintii ay ku heshiyeen labada dhinac , taas oo laga yaabo in ay Burburto hadii lagu fashilmo wadahadallada nabada.

Madaxweynaha dalka Kolombiya Juan Manuel Santos ayaa ku dhawaaqay heshiis hor leh oo labada dhinac ay saxiixi doonaan todobadkan , waxaana inta kaddib loo gudbin doona aqalka sare ee barlamaanka ee dalkaasi si loo meel mariyo heshiskani .Tallabadaasina waxaa walaac ka muujiyay mucaaradka dalka oo iyagu ku edeeyay Madaxweyne Santoos inuu ka tallaabsaday go'aanka shacabka.