Dowlada Colombia iyo falaagad FARC oo saxiixay heshiis horleh

Heshiiska Colombia Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Heshiiska Colombia

Dowlada Colombia ayaa aqalka barlamanka ee dalkaasi u gudbisay heshiis cusub oo ay dhawaan la gashay falaagada FARC.

Xubnaha barlamanka dalkaasi Colombia ayaa todobadka dambe la filayaa in ay ka doodaan heshiiskan. Heshiiska oo dib u eegis badan lagu sameeyay ayaa lagu saxiixay Magaalada Bogota Khamiistii , waxaana qalinka ku duugay Madaxweynaha dalkaasi Juan Manuel Santos iyo hogaamiyaha falaagada FARC, Timochenko.

Heshiiskii kan ka horeeyey ayay shacabka dalkaasi ku diiden afti qaran.

Tallaabadaasina waxaa walaac ka muujiyay mucaaradka dalka oo iyagu ku edeeyay Madaxweyne Santoos inuu ka tallaabsaday go'aanka shacabka .