Shiinaha oo ka carooday wadahadal dhex maray Trump iyo madaxweynaha Taiwan

trump Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Trump iyo madaxweynaha Taiwan

Shiinaha ayaa ka carooday wadahadal dhanka taleefoonka ah oo madaxweynaha la doortay ee dalka Mareykanka Donald Trump uu la yeeshay madaxweynaha Taiwan.

Dalka shiinaha ayaa Taiwan u arka gobol ka mid ah dal weynaha Shiinaha balse gooni isu taagay.

Xiriirka tooska ah ee Trump uu la yeeshay madaxweynaha Taiwan Tsai Ing-wen ayaa waxa uu jebiyay siyaasad soo jireen ahayd oo dhanka diblomaasiyadda ah oo Mareykanka kula dhaqmi jiray Taiwan.

Shiinaha ayaa durbaba cabsho toos ah u gudbiyay xukuumadda Washington, taa oo ay uga ashtakooneyso wadahadalka uu Trump la yeeshay madaxweynaha Taiwan.Wasiirka arrimaha dibadda Shiinaha Wang Yi ayaa wicitaanka Trump ku tilmaamay khiyaano aan micno sameynayn oo ay Taiwan waddo.

Waxa uu intaasi ku daray in aragtida Shiinaha ee ah midnimada dalkaasi ay dan ugu jirto xiriirka ka dhaxeeya Mareykanka iyo shiinaha.

Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka, Donald Trump, ayaa waxa uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay fariin uu ku sheegayo in ay soo wacday Madaxweyne Tsai Ing-wen.

Wadahadalka dhex maray Trump iyo Madaxweynaha Taiwan ayaa ka mid ahaa afar wicitaan oo uu shalay Trump ka helay hoggaamiyeyaal ajnabi ah, hasayeeshee uma aanay muuqan in wicitaankaasi ay wax lug ah ku lahayd wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka, taasi oo caadiyan ka tala bixiso arrimaha siyaasadeed.

Mareykanka ayaa xiriirka diblumaasiyadeed u jaray Taiwan sanadkii 1979.