Madaxweynaha Venazuela oo isku dayaya in uu dejiyo shacabka dalkaas

dibad baxyada dalka Venazuela Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption dibad baxyada dalka Venazuela

Khudbad taleefishinka laga sii daayay ayuu Madaxweynaha Venezuela, Nicolas Maduro, waxa uu ku sheegay in go'aankiisa kadiska ahaa ee uu ku joojiyay lacagta ugu isticmaalka badan dakaasi ay u ogolaatay dalka inuu ka guulaysto cadawgiisa.

Madaxweyne Maduro waxaa kale oo uu sheegay in qorshihiisa dhaqaale ee uu suuqa uga saarayo nuqulka lacagta bolivarka dalkaasi oo gaaraysa malaayiin ay burburisay suuqa madow.

Balse arintaasi ayaa dhalisay dibad baxyo kaddib markii shacabka dalkaasi ay waayen lacago kaash ah oo ay cunto ku iibsadaan.

Meelaha ugu baddan oo ay dibad baxyadu saameyeen waxaa kamid ah magaalo ku taal koonfurta dalkaasi oo la yirahdo Ciudad Bolivar, halkaas oo bandow lagu soo rogay.

Waxaa kale oo jira warar sheegaya in la bililiqeystay mehrado ganacsi oo ku yaalo magaalooyin dhowr ah.

Kaddib xasiloonni darradaasi, ayuu Mr Maduro sheegay in tan iyo bilowga bisha Janaayo uu dib u dhigayo dhaqangelinta buuxda ee joojinta lacagtaasi.

Xasiloonni darrada ayaa la sheegay in Axaddii ay dalkaasi ka sii socotay.

Hogaamiyeyaasha diimaha ee dalkaasi ayaa cambareeyay tallaabada dowladda , waxayna intaa ku dareen in ay waxyeleyneyso dadka saboolka ah oo awoodi kari waayay in ay ibsadaan raashinka.