Cilmi baadhis: Khudrada oo la cunaa cimrigay dheeraysaa!

Xigashada Sawirka, iStock
Caleenta iyo khudradda caafimaadka u roon qaarkood
Cilmi baadhayaal ayaa sheegay hadii la cuno khudradda iyo caleenta cagaaran oo in badan weliba laga qaato in ay cimriga dheerayn karto.
Daraasad ay samaysay jaamacadda Imperial College London ayaa lagu ogaaday in hab quudashada noocaas ahi ka hortagi karto dhimashada 7.8 million qof oo cimri degdeg u dhinta sannad kasta.
Kooxda daraasada samaysay waxa kale oo ay ogaadeen in khudrad iyo caleenta cagaaran qaarkood ay si gaara hoos ugu dhigi karaan khatarta kansarka iyo cudurada ku dhaca wadnaha.
Dulucda daraasaddu waxay tilmaantay in xataa hadii xaddi yar laga quuto khudradda iyo caleenta cagaaran ay wax tar caafimaad leeyihiin, hase ahaate ay fiicantahay in la badsadaa.
Inta ugu yar ee mar keliya qof cuni karo ayey daraasaddu ku qiyaastay in ay tahay 80g oo khudrad ama caleenta cagaaran ah oo u dhiganta xabad muusa oo yar, xabad Pear ah ama saddex malqaacadood mugood oo Spinach ama digir ah.
Dhanka kale, cilmi baadhayaashu waxa ay sheegeen in aanay weli ogaan in khudradda iyo caleenta cagaaran oo xaddi badan laga cunaa ay leeyihiin faa'iidooyin caafimaad oo intan la ogaaday ka sii badan.
Dr Dagfinn Aune oo ka tirsan kooxda cilmi baadhayaasha ah ayaa yidhi "khudradda iyo caleenta cagaaran waxa la ogaaday in ay hoos u dhigaan xaddiga dufanka ee dhiigga raaca, dhiig karka iyo weliba in ay xoojiyaan fayo qabka halbowleyaasha iyo difaaca jidhka".
Waxaanu intaa raaciyey "in laga yaabo in sababtu tahay macdanta iyo fiitamiinada sida kakan iskugu xidhan ee ku jira, tusaale ahaa waxa khudradda iyo caleenta cagaaran ku jira maadooyin badan oo jidhka sunta ka saara, isla markaana ka hortaga in hidde sidayaasha unugyada dhaawac gaadho taas oo horseeda in khatarta kansarku yaraato."
Iyadoo ay muujinayaan cilmi baadhisyada la sameeyaa faa'iidooyika caafimaad ee ay cuntooyinkani leeyihiin, ayaa hadana dadka badankoodu aanay qaadan xaddiga Hay'adda Caafimaadka Dunida ee WHO ku taliso in qofku maalintii quuto oo ah 400g.