Daad gurayn ka billaabatay magaalooyinka go'doonsan ee Suuriya

Basaska waawayn ee rayidka lagaga daad guraynayo magaalooyinka go'doonsan

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka,

Basaska waawayn ee rayidka lagaga daad guraynayo magaalooyinka go'doonsan

Dad u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in dawladda Suuriya iyo kooxaha fallaagada ahi ay bilaabeen hawl gal ay dadka kaga saarayaan magaalooyinka go'doonsan.

Dad laga soo saaray magaalooyinka Fooca iyo Kafrayya oo ah labada magaalo ee ay dawladdu haysato oo ku yaala woqooyi galbeed ee dalka ayaa soo gaadhay Rashidiin oo ku taala galbeedka magaalada Xalab, sidaana waxa ku warantay wakaaladda wararka AFP.

Hawlo daad gurayn ah oo kuwaas la mid ah ayaa ka bilawday magaalada ay fallaagadu gacanta ku hayso ee Madaaya oo u dhow caasimadda Dimishiq.

Laakiin ilaa hadda ma cadda in heshiiskaa dadka lagaga saarayo magaalooyinka go'doonsan ay ku jirto magaalada Zabadani oo iyadna dadka laga daad gurayn karo.

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka,

Dadka laga soo daad gureeyay Foah iyo Kefraya ayaa la geeyay Rashideen

Ilaa haatan dad tiradoodu gaadhayso 30,000 oo qof ayaa laga saaray magaalooyinkaa go'doonsan.

Bishii hore ayaa Qaramada Midoobay ay duruufaha ka jira afar magaalo oo Suuriya ku yaala ku tilmaantay "masiibo" halkaas oo ay in ka badan 64,000 oo qof oo rayid ahi ay "ku go'doomiyeen meertada colaadeed ee sida maalin laha ah uga dhacda magaalooyinkaas".