Tobonaan ku dhimatay qarax ka dhacay dalka Suuriya

Dad sugaya in la daad gureeyo

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka,

Dad sugaya in la daad gureeyo

Qarax weyn oo loo adeegsadey walxaha qarxa oo la soo saaray baabuur ayaa lala beegsadey kolonyo basas ah oo ay sugayeen kumanaan qof oo laga daad gureyn rabey laba degmo oo ka baxsan magaalada xalab oo ay ciidamada dowladu go'doomiyeen in muddo ah.

Muuq baahiyaha dowlada ayaa sheegay in ugu yaraan 39 qof ay ku dhimatey weerarkan qaraxa ah, waxaa la baahiyey muuqaalo dad meyd ah oo ay caruuri ku jirto oo yaala basaska gubanayay agtooda. Dadkan ayaa badankoodu waxaa ay ka yimaadeen degmooyinka Fuaa iyo Kefraya oo ku yaalla gobolka idlib ee ay maleeyshiyaaadku maamulaan.

Qoraalka sawirka,

Halka ay wax ka dhaceen

Daad gureyntan ayaa billaabatay maalintii Jimcihii, waxaana lagu bedeli rabey in loo ogolaado maleeyshiyaadka iyo qoysaskooda Suniyiinta ah in ay ka baxaan magaalooyin u dhow caasimada Dimishiq oo ay dowladu go'doomisay.

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka,

Dad rayid ah oo saaran bas