Maraykanka ayaa sheegay inuu Soomaali badan dalkiisa ka masaafurinayo.
Maraykanka ayaa sheegay inuu Soomaali badan dalkiisa ka masaafurinayo.
Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay dalkeeda ka masaafurinayso 4800 oo qof oo Soomaali ah oo siyaabo kala duwan ku tegay.
Dadkan ayaa qaarkood Mareykanku sheegay inay galeen dambiyo halka kuwa kalana la diiday codsiyadoodii magangalyo doonka ahaa.
In Mareykanka laga saaro dadka aan la aqbalin codsiyadooda iyo in xannibaad hor leh lagu soo rogo dal ku galka dalalka muslimiinta qaarkood ayaa qeyb ka aheyd ballanqaadyadii Madaxweyne Trump markii uu xilka u tartamayay.
Haddaba arrintan ayaa waxaannu ka wareysannay danjiraha Soomaaliya u fadhiya Mareykanka, Amb Axmed Ciise Cawad, oo u warramay weriyaha BBC-da Suheyba Maxamed Badqas, oo marka hore waydiisay bal inuu ka warramo dadkan la tarxiilayaa kuwa ay yihiin?