Sida uu ku soo waramayo weriyaha BBC ee Hargeysa, Axmed Saciid Cige, guud ahaan magaalooyinka , tuulooyinka iyo miyigaba si wen ayaa saaka looga ciiday ciidda soonfureed kadib markii dadweynuhu soo soomayeen bishii ramadaan .
Magaalada Hargeysa waxaa si aad loo qorxiyay suuqyada laga dukaameysto iyo goobaha dadku ku kulmaan . Waxaad ku arkeysaa dad wada faraxsan oo qaarkood daadaheynayaan caruurta oo dhar bilicsan loogu soo lebisay . Caruurta ayaa si gaar ah loogu iibiyay waxyaabaha ay ku ciyaaraan oo u badan qoryo iyo gawaadhi macmal ah oo guux sameynaya . Dumarka ayaa iyaguna qurxiya guryaha iyadoo macsuumadaha cuntada iyo qayilku badanyihiin maanlinta ciidda .
Madaxweyne xigeenka ahna ku-simaha madaxweynaha, Cabdiraxmaan Saylici, ayaa masjid-jaamaca weyn ee hargeysa dadweynaha kala qayb galay salaadda ciidda saaka isagoo u hambalyeeyay guud ahaan dadka muslimiinta .