Maxaa xilligan keenay in baarlamaanka Puntland uu kalsoonida kala laabto golaha wasiirada?
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Maxaa xilligan keenay in baarlamaanka Puntland uu kalsoonida kala laabto golaha wasiirada?

Baarlamaanka Puntland ayaa shalay kalsoonidii kala noqday golaha wasiirada maamul goboleedkaas, waxaanay qaar ka mid ah xildhibaannadu ay BBC-da u sheegeen in habacsanaan weyni ka muuqatay shaqada xukuumadda gaar ahaan dhanka nabadgelyada.

47 xubnood ayaa u codeeyey in xukuumadda la rido, sagaal xubnoodna way diideen arintaas.

Madaxweynaha Puntland ayaa taageeray tallaabada baarlamaanka kuna sheegay in ay tahay dastuuri.

Haddaba eedahan la tilmaamay haddii ay muddo dheer taagnaayeen sida la sheegay, maxaa keenay in hadda uun baarlamaanku ku baraarugo?

Agaasimaha fulinta ee Xarunta Cilmibaarista iyo Horumarka Puntland, Cali Faarax Cali, oo u waramay Xasan Cali Geele ayaa ka jawaabaya.