Koobka Qaramada Afrika oo dhici doona June iyo July

Xigashada Sawirka, ,
Koobka Qaramada Afrika ee sanadka 2019 ayaa waxaa ka qeyb geli doona 24 dal
Tartanka kubadda cagta ee koobka Qaramada Afrika ayaa sanadka 2019 waxa uu dhici doonaa bilaha June iyo July, sida uu xaqiijiyay xiriirka kubadda cagta qaaradda ee CAF.
Tartanka ayaa sida caadiga ah la dheelaa bilaha January iyo February, waxaana taasi ay dhibaato ku tahay kooxaha kubadda cagta ee Yurub, maadaama ay ka tagaan ciyaartooy xilligaasi muhiim u ah.
Sidoo kale koobka Qaramada Afrika ee sanadka 2019 ka dhici doona dalka Cameroon ayaa waxaa ka qeyb geli doona 24 dal, halka ay hadda ku tartamaan 16 waddan oo keliya.
Isbedalladan ayaa lagu ansixiyay kulan uu gudiga fulinta ee CAF ku yeeshay magaalada Rabat ee dalka Morocco.
Kordhinta tirada dalalka ka qeyb galaya koobka Qaramada Afrika ayaa culays ku keeni karta dalka Cameroon, oo u baahan inuu tasiilaad dheeri ah u helo martigelinta tartankaasi.
CAF ayaa sidoo kale tixgelisay in tartanka ay ka qeyb qaataan dalal aan qaaradda ka tirsanayn, amaba ay martigelin karaan koobka Qaramada Afrika, balse go'aan lagama gaarin arinkaasi.