Maxaabiis Itoobiya ay soo daysay oo Muqdisho gaaray

Xigashada Sawirka, ,
Maxaabiista lasoo daayay ayaa ahaa 114 qof
Maxaabiis Soomaali ah oo tiradoodu tahay 114 lagana soo daayay jeelal ku yaal dalka Itoobiya ayaa caawa maqribkii laga dejiyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay mas'uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka ah.
Maxaabiistan ayaa lagu soo daayay heshiis ay dhawaan gaareen dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaana ay u badnaayeen kuwo ku xirnaa xabsiga magaalada Jigjiga.
Safiirka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya, Jamaaludiin Mustaf Cumar, ayaa warbaahinta u sheegay in maxaabista ay u badan yihiin kuwo loo haystay inay sharci darro ku galeen dalkaasi.
Safiirka Soomaaliya u fadhiya Addis Ababa, Maxamed Cali Nuur, ayaa bogaadiyay in Itoobiya ay ka dhabaysay heshiiskii ay wada galeen labada dhinac.
Dadka la soo daayay qaarkood ayaa la sheegay inay ku xukunnaayeen ilaa 20 sano oo xabsi ah.
Weriyaha BBC ee Muqdisho, Ibraahim Maxamed Aadan, ayaa ku soo warramay in dadkaasi ay ka muuqatay diif, haseyeeshee ay ku faraxsanaayeen inay dalkooda kusoo laabtaan.
Waxaa markii dambe loo gudbiyay saldhig boolis oo ku yaal meel u dhaw garoonka diyaaradaha halkaasi oo lagu hubinayo xaaladooda.