Bandhigga waxbarashada Soomaaliya oo Muqdisho ka furmay
Magaalada Muqdisho waxaa ka furmay bandhigga waxbarashada Soomaaliya, kaasi oo loogu talagalay da'yarta doonaysa inay ku biiraan jaamacadaha in fursad loo siiyo hannaan ay ku kala xullan karaan jaamacadaha iyo kulliydaha ay doonayaan in ay ku biiraan.
Bandhiggani waxa la iskugu keenay xubno ka socda jaamacadaha waddanka ka jira, kuwaasi oo mid kastaa uu la soo shir tagay hadba waxbarashada uu hayo iyo waxa uu doonayo in uu ku qanciyo da'yarta doonaysa inay ku biiraan jaamacadaha.
Dhibaatada ugu weyn ee qabsata ardeyda dugsiyada sare ka baxda ee doonaysa galintaanka jaamacadda ayaa lagu sheegay xulashada ardeyga ee maadada uu baranayo.
Haddaba weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamad Aadan oo ka qaybgalay bandhiggaasi ayaa warbixintan ku eegaya sida bandhiggani ardeyda uga caawin karo xulashadooda.