Soomaaliya oo goobjoogeyaal u dirtay doorashada Kenya
Soomaaliya oo goobjoogeyaal u dirtay doorashada Kenya
Goob joogeyaal ka socda beesha caalamka iyo dalalka deriska la ah Kenya ayaa gaadhay dalkaas si ay ula socdaan sida ay u qabsoomayso doorashada dalka ka dhici doonta maalinta berri ah.
Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka ay ka yimaadeen goob joogeyaashaas la soconaya sida ay doorashu u dhici doonto, waxaana ka mid ah kuwa ka socda Soomaaliya Xuseen Cabdi Aadan, hadaba ilaa haatan waxyaabihii ay arkeen iyo diyaar garawga doorashada loogu jiro ayuu uga waramay Faarax Lamaane.